WARARKA SOOMAALI

Natiijadda Doorashada Maamulka Somaliland oo Saacadaha Soo socda lagu dhawaaqi doono,iyadoo Khilaaf ba,an hadheeyay….

By Abdi rashid

November 21, 2017

Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Deegaanada Maamulka Soomaaliland, iyadoo Guddiga doorashooyinka la filayo in uu ku dhawaaqo natiijada Saacadaha Sooc socda, taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo oo todobadii sano ee lasoo dhaafay ka arriminayey Somaliland.

Waxay Sheegeen Guddiga Doorashadu in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibiley, waxayna intaasi ku dareen in saacadaha soo socda ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Waxaa si weyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada, Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada, balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga Wadani uu eedeymo u jeediyay Guggiga doorashada.

Musharaxiinta sida aadka ah ugu tartaraaya Doorashada waa Muuse Biixi Xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Cirro oo Xisbiga Wadani ah ,Hase ahaatee waxaa jirta hadal hayn weyn oo ah in uu Doorashada kusoo baxaya Muuse Biixi.