Garoowe (HM)-Wasaaradda Waxbarashada ee maamulka Puntland ayaa shacisay maanta natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Ardaydu galeen, waxaana 10-ka qof ee ugu sareeya 6 kamid ay noqdaan gabdho, halka kaalinta koowaad ee Puntland oo dhan ay gabadh gashay, kana baxday Dugsiga Al-Waha ee magaalada Garoowe.
Afar Arday oo kamid ah 10-ka Arday ee u sareeya ayaa ku nool magaalada Qardho oo ay Dugsiyo kala duwan ka dhigtaan, taas oo muujinaysa heerka waxbarashada ee Karkaar in uu yahay mid wanaagsan.
Sidaas oo kale dhanka tayadda, dugsiyada Sare waxaa 10-ka Dugsi sare ee ugu horeeya Hogamiyay dugsiga Sare ee degmada Galdogob ee Gobolkasi Mudug.
Ardayda natiijooyinka wanaagsan keenay, wali caqabad ayaa ka jirta Arrinta Shahaadada oo ay isku maandhaf-san yihiin Dowladda Federaalka Wasaaradeeda Waxbarashada & Puntland, sannadkii hore ardaydii ka baxday ma aysan helin Shahaado halka Ardaydgii ugu sareeyey wali joogo gudaha Puntland, waxaana arrintaasi u sabab ah khilaaf siyaasadeed ee joogtada ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.
Horufadhi News