WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo la shaaciyay in laga waayay COVID-19, kadib baaris la sameeyay

By xuseen waashitoon

June 29, 2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor laga helay xanuunka COVID-19 oo haleelay, xili uu ka yimid Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh laga waayay COVID-19, isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Wuxuu caddeeyay Afhayeen Cabdikariin Kaar in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu kasoo bogsaday xanuunkii COVID-19 ee haleelay, uuna wato shaqada uu qaranka u haayo, isagoo raacaya tilmaamaha Caafimaad ee kahortega COVID-19.

Afhayeenka ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula hadli doono shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Afhayeenka u mahadceliyay shacabka usoo duceeyay Madaxweynaha.