WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Jeddah & sababta

By xuseen waashitoon

September 08, 2022

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u dhigay safar uu Maanta oo khamiis ah ugu ambabixi lahaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.

Baaqashada safarka Madaxweyne Xasan ee Sacuudiga ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibedda Xildhibaan Cali Balcad, waxaana sababta keentay arrintaas ay tahay mid la xiriirta safar kale oo uu Madaxweynaha ku aadayo dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 13-ka bishaan September 2022 waxaa uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uga qeyb galayaa Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la filayey inuu dalka Sacuudiga uga qeyb galo Shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, kaas Magaalada Jeddah sida uu qorshahu yahay ka furmaya 11-ka bishaan, ayna ka qeyb geli doonaan Madax kala duwan.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2020 aas-aasay Gole ay ku mideysan yihiin dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.