WARARKA SOOMAALI

MW Xasan iyo Xamse Barre oo kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca Kenya

By xuseen waashitoon

October 18, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa  Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada Al-Shbaaab in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay  xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagula dagaalamayo Al-Shabaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.