WARARKA SOOMAALI

MW Mustafe Cagjar oo ku dhawaaqay in Dagaalka Itoobiya uu saameyn ku yeeshay

By xuseen waashitoon

November 09, 2021

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya ee haatan ku faafaya guud ahaan dalka Itoobiya.

Mustafe Cagjar ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan dagaalka lagu riiqmay ee u dhexeeya TPLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, iyadoo sidoo kale uu shaaca ka qaaday in ay jirto saameyn uu ku yeeshay dhanka Soomaalida.

Degaanka Soomaalida oo Abaaro iyo xaalado nololeed ay la degeen ayuu sheegay Madaxweynaha Dowlad degaanku in ay wadaan dadaallo xooggan oo diiradda lagus aarayo sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan.

Waxaa uu intaas ku daray in Hay’adaha gar-gaarka ay la shireen sidoo kalena ay haatan degaanno dhowr ah Biyo dhaamin u sameeyeen, waxaana uu sheegay in caawinta iyo u gurmashada dadka shacabka ah ay u istaageen Mas’uuliyiinta ismaamulka oo gacan ka helaya hay’adaha Gar-gaarka.