WARARKA SOOMAALI

MW ku-xigeenka Jubbaland oo safar kale ku tegaya Degmo ka tirsan Gedo

By xuseen waashitoon

July 22, 2023

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo sabti ah waxa ay ku wajahan yihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Maamulka degmada Doolow, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadli doona xaalada degmada iyo amniga.

Magaalada Doolow ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdigiisa la socda oo ay qeyb ka yihiin Maamulka Gobolka Gedo ee Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Maamulkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Luuq oo dhawaan uu socdaal ku gaaray, waxaana mas’uuliyiinta degmadaasi ay sheegeen inay la shaqeynayaan Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.