WARARKA SOOMAALI

MW Guudlaawe “Al-shabaab masaajid lagu tukado ayey u badeleen goobo Ganacsi”

By xuseen waashitoon

November 05, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa oo shalay  tagay deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Baaq u diray dadkii ka barakacay deegaankaas oo laga qabsaday Al-shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka masaajid Cali Guduud laga saaray Al-shabaab oo in badan ku sugnaa, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wuxuu Madaxweynaha Hirshabeelle ugu baaqay dadkii deegaanka ee ka barakacay Cali Guduud ay dib ugu laabtaan guryahooda, wuxuuna intaas hadalkiisa sii raaciyey in dadka aan waxyeelo loo geysan doonin oo si nabad ah deegaanooda ugu noolaanayaan.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in deegaanka Cali Guduud ay ku arkeen gaadiid lagu gubay halkaas, isagoona sheegay inay falkaas ka dambeeyeen Al-shabaabkii deegaanka laga saaray, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA