Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Farmaajo oo mar kale Shir Deg-deg isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

MadaxweynahA Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray isugu yeeray kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka.

Kulankan oo ah mid deg deg ah ayuu Madaxweyne Farmaajo shaaciyay in uu dhacayo 18ka bishan Sebteembar 2021, waxa uuna xusay in kulankan Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Qoraalkan goordhaw kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili khilaaf meel xun gaaray uu u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo kawada tirsan guddiga Amniga Qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa meesha ka baxay markii Madaxweyne Farmaajo howlaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana hada la isweediinayaa waxa mar kale soo celiyay Guddiga Amniga Qaranka howlgal noqday.

Exit mobile version