WARARKA SOOMAALI

MW Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka Midowga Afrika iyo khudbad uu jeedinayo

By xuseen waashitoon

February 05, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale, kuwaasi oo intooda badan ka jeedin doona khudbado kala duwan oo ay hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale khudbad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka jeedin doono Shirka Midowga Afrika ayuu uga hadli doonaa ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda qaar ee ka qeyb galeysa Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Ururka Midowga Afrika.