WARARKA SOOMAALI

MW Muuse Bixii oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso Doorashada Somaliland

By xuseen waashitoon

December 17, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Somaliland, xilli uu khilaaf xooggan oo la xiriira doorashada uu ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biiixi ayaa waxaa uu sheegay in sanadka cusub ee 2023 uu Maamulka Somaliland u noqon doono sanad doorasho, isla markaana 28-ka bishaan December 2022 ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 28-ka January 2023 lasoo gaba-gabeynayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, isagoona shacabka gaar ahaan dadka uu ka lumay kaararka codbixinta ka dalbaday inay fursad heystaan oo ay kararka qaatan.

“Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee kasoo horjeeda ugu baaqay inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashooyinka, waxayna xiisaddu kasii dartay markii xisbiyada mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay Muuse Biixi Cabdi.