WARARKA SOOMAALI

Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Lafta-gareen u tegayo Kismaayo?

By xuseen waashitoon

December 15, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya sida uu qorshahu yahay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta oo Arbaco ah tegaya Magaalada Kismaayo oo amnigeeda siweyn loo adkeeyay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yahay mid la xiriira Wadatashi ku saabsan Arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad….

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kulan la qaadan doona Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay ka wada hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka, iyagoona la sheegay inay si gaar ah uga arrisan doonaan kuraas ka tirsan Golaha Shacabka.