WARARKA SOOMAALI

Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay wafdi ka socday Qaramada Midoobay?

By xuseen waashitoon

February 26, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka ahayd Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wacan.

Lisa Filipetto ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda Soomaaliya, sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay hawlaha sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.