WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Finland kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab

By xuseen waashitoon

September 08, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya dalka Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.