WARARKA SOOMAALI

Muxuu Madaxweynaha K/Galbeed kala hadlay Guddiga Doorashada Golaha Shacabka?

By xuseen waashitoon

March 19, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kulan la qaatay gudiga hirgelinta doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) .

Madaxweynaha ayaa guddiga uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in Guddiga doorashada heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed qabteen shaqo badan uu loo riyaaqay, waxa uuna xusay in ay dhabarka u riteen una dulqaateen xaalado kala duwan oo lasoo darsay.

Guddiga doorashada heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa 15-kii bishan soo gabagabeeyay doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana doorashada guddigan maamuleen aheyd mid daah-furan oo Musharaxiinta ku tartameen.