WARARKA SOOMAALI

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Go’doonsan xadka Itoobiya & Suudaan

By xuseen waashitoon

April 25, 2023

Muwaadiniin Soomaali farabadan iyo kuwo kale oo Ajaanib ah ayaa ku xayiran dalalka xadka la leh Sudan, sida Masar, Chad, South Sudan iyo Itoobiya, sida ay kusoo warramayaan dad Soomaali ah oo halkaas ku go’doosan dhowr maalmood.

Soomaalida ayaa kazoo carartay dagaallada xooggan ee ka qarxay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, ee u dhaxeeya labada Jeneraal ee isku haya awoodda dalkaas, waxayna dagaallada ay kusii fideen magaalo kahor leh.

Qaar kamid ah Soomaalida ku xanniban xadka Sudan iyo Itoobiya, gaar ahaan magaalada Al Qadarif ee Suudaan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay inay mudo ku dhow 10 maalmood ay ku xayiran yihiin halkaas, isla markaana ay wajahaan dhibaatooyin.

Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen dadka Soomaalida in aysan jirin wax gurmad ah oo uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, balse kaliya ay maqlaan in ay dowladdu wado dadaalo ay ugu soo gurmaneyso dadkaas oo kusoo badbaadineyso.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka socda Caasimadda khartuum ee dalka Suudan ayaa qaatay muddo 11 maalmood ah, kaasi oo u dhaxeeya Hoggaamiyaha Militiriga Sudan Cabdulfatax burhaan iyo General hoggaamoya Ciidanka Dacmu sariic  .