WARARKA SOOMAALI

Muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo daad-gureeyay oo soo gaaray Muqdisho

By xuseen waashitoon

April 30, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay  123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Dagaalada ka socda gudaha Dalka Sudaan ayaa galay todobaadkii saddexaad, iyadoo dhinacyada isku haya dalkaasi ay weli wadaan dagaallo xoogan ,oo meesha ka saaray heshiisyadii xabad joojinta.