Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Masar iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya…

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in muwaadin Soomaali ah lagu dilay dalkaas, iyadoo ciidamada ammaanka dalka Masar ay dad badan u soo qabteen.

Sida ay wararku sheegayaan muwaadinka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Shaakir, waxaa da’diisa lagu qiyaasay 16 jir,

Dilka wiilkan ayaa loo adeegsaday Toorey, waxaa uu ka dhacay Xaafada Soomaalida ku badan tahay, ee Suuqa Sayaaraad ee degmada Nasri City.

Wararka ayaa sheegaya in wiilkan uu ahaa arday ka mid ahaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Masar.

Meydka wiilkan ayaa la geeyay Isbitaal ku yaala degmada Nasri, waxaana socda baaritaan ku aadan sababta loo dilay.

Ciidamada Ammaanka Masar ayaa gacanta ku dhigay illaa 40 ruux oo Soomaali isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku sugnaa guriga uu degenaa wiilka la dilay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in aan meydka la aasi doonin, illaa gacanta lagu soo dhigo cidii ka dambeysay dilka.

Dilkii xalay ka dhacay degmada Nasri ee magaalada Qaahira ayaa saameyn ku yeelatay Soomaalida ku nool halkaas, waxaana dadka ugu badan ee loo soo qabtay dilkaas la sheegay inay guriga la degenaayeen wiilka la dilay.

Exit mobile version