WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaali ah oo weerar khasaaro dhaliyey ka geystay Talyaaniga

By Xuseen Post

September 12, 2021

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool dalka Talyaaniga ayaa weerar toorey loo adeegsaday ka geestay gudaha gaari bas dadweyne  oo marayay  magaalladda Rimini ee Gobalka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga.

Wargeyska Corriere di Bologno ayaa sheegay in weerarkan ninka Soomaaliga ah geestay xalay fiidkii , waxaana weerarkan tooreyda loo adeegsaday ku dhaawacmay shan qof uu ku jiro cunug yar oo shan sano jir ahaa.

Booliska Talyaaniga waxay sheegeen inuu Muwaadinka Soomaaliga markii ugu horeysay Toorey ku dooxay 2 haween oo u xil saarnaa Hubinta Tikidhada , kadibna waxa uu sii dhaawacay 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Baska.

Ninka Soomaaliga ah ee weerarka geestay oon magaciisa la shaacin ayaa baska raacay tikit la’aan, hasa ahaatee markii la weediiyay tikitka la sheegay in uu bilaabay weerarka uu dadka ku dhaawacay.

Ciidamada booliiska Talyaaniga ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan Soomaaliga ah xili uu isku dayay in uu baxsado, waxa ayna booliiska Talyaaniga sheegeen in ay ninkan xireen ayna baarayaan sababta uu weerarka u geestay.