Laascaanod ( HM) Magaalada Hargeisa waxaa kulan ku dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, kulankaasi oo u daaran daminta xiisada ka dhex aloosan Ganacsadaha iyo Xukuumada Biixi, Kadib Eedaymo xoogan oo dhowaan Afhayeenkiisu u jeediyey.
Kulankan ayaa waxa daba ka riixayey oo suurta galiyey Ganacsatada Somaliland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada, Waxaana kulankan xooga lagu saarayey sidii xal looga gaadhi lahaa muranka muddooyinkii u dambeeyay ka dhaxeeyay Ganacsadaha iyo Madaxweyne Biixi.
Waxa kulankan kasoo baxay heshiisyo hordhac ah, sidaay ay soo gudbiyeen ilo goob-joog ahaa kulankaasi, iyadoona lagu heshiiyey.
1. In gebi ahaanba la joojiyo dacwada Jabuuti usoo gudbisey Madaxweyne Biixi ee ka dhanka aheyd Ganacsade Axmed Geelle, ee xukuumadu rabtay inay ka furtaan Maxkamadaha Hargeysa.
2. In la damiyo xiisada ka dhex aloosan Ganacsade Axmed Geelle iyo Dowladda Jabuuti, halkaasna lagu soo af-jaro hadalo hadal-haynteeda.
Sidoo kale, Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Geelle ayaa waxay u balameen kulamo kale si loo dar-dar geliyo daminta xiisadan.
Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Biixi uu kulan la qaadan doono beesha uu kasoo jeedo Ganacsaduhu, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay si adag uga hadlay xiisada Axmed Geelle iyo Xukuumada Biixi, iyagoo horeyna usoo saarey hanjabaadyo kala duwan.