WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo dhaqaale xumiweyni soo foodsaartay & U Qaybsanayaashii deeganada Dhulbahante oo shacbiyad waayay.

By News Hour

September 07, 2017

Maamulka Somaliland ee Siilaanyo ee hada ayaa la sheegay in laga xanibey inta badan dhaqaalihii ay u adeegsan jireen Laaluushida iyo ku meelmarinta siyaasadooda guracan, waxana taas laga gartay haga wareer ka muuqda Muuse Biixi Cabdi oo la baxay Mujaahid, isagoo ku faana inuu ku jahaadey beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli.

Warar shabkada Horufadhi heshay ayaa sheegaya in xubnihii u qaabilsanaa kala dhantaalida beelaha Dhulbahante iyo xoojinta fekerka Sumaysan ee kooxaha qaar ku adeegtaan ee Faarax iyo Maxamuud hada ay u shaqayn weydey,  waxana taas ka danbeysay markii xubnihii arimahan wakiilka uga ahaa ay guuldaraysteen, iyadoo waxyeelo weyna ay ku nqootay heshiis la dhexdhigay Baashe Maxamed Cadde iyo Abdraxmaan Talyanlle oo Abdiraxmaan Cirro ka faa’ideystay sumcad weyn ay u noqotay markii laba nin oo isku reer ah oo kursi KMG ah isku haysta uu isagu gacanta isku saaray.

Waxana la sheegay in ujeedka la iskaga horkeenay labadaas xubnood uu Muuse Biixi iyo kooxdiisa Kulmiye ka danbeeyeen, iyadoo la fulinayo qorshaha ah in Dhulbahante madax la isku galiyo oo Laascaanood la kala sheeg sheegto.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa la sheegay in sabbaha ugu waa weyn ee uu wadahadalkii Khaatumo u wiiqay isla markaana uga dhigay mid wasiir ku xigeen iyo Faysal Waraabe keligood la kulmaan xubnaha Khaatumo ay tahay inaan heshiis nabadeed dhexmarin Dhulbahante iyo H Jeclo oo dhalooyo iyo derisba ah, isagoo doonaya inuu beesha H Jeclo dabka colaadu ku sii shidnaado si aysan siyaasada ugula loolamin laguna mashquuliyo colaad laga huriyo Buuhoodle.

Muuse Biixi oo ah nin caan ku ah mu’aamradaha iyo dabinadda siyaasadda ee madhalayska ah, ayaa noqon doona hadii la doorto mid colaaddii ugu weynayd ee DHulbahante dhexdiisa ah iyo deriskiisaba huriya, ayadoo ay jiraan xubno u jibeysan oo si weyn ugu rixinaya in la doorto dhawaana markuu Laascaanood yimidna jilib  , jilib ula kulmay reer Laascaanood walow ay beelaha qaar diideen inay laba kulmaan.

Horufadhi.com@gmail.com