Jabuuti (HM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabada furitaanka shirka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalka Jabuuti.
Muuse Biixi ayaa beesha caalamka ka codsaday iney aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, isagoo xusay in shacabka Somaliland ay muddo dheer u soo dhabar adaygeen iney arkaan iney noqdaan umadd la mid ah umaddaha caalamka oo leh dowlad madax banaan iyo dal jira oo la aqoonsan yahay.
“Waxaan beesha caalamka iyo Afrikaba ka codsaneynaa inay garawsadaan horumarka iyo dimoquraadiyada ka hana qaaday Somaliland.” ayuu yidhi Muuse Biixi oo si cad u sheegay ineysan marnaba la midoobi doonin Soomaaliya.
HALKAN RIIX DAAWO KHUDBADA MUUSE BIIXI
Hannaan dawladdnimo, daahfuran iyo nabad iyo xasilooni ayuu sheegay iney ku naaloonayaan shacabka Somaliland wixii ka dambeeyey markii ay la soo noqdeen wax uu ugu yeedhay gobanimadii hallowday lixdankii ee ay Somalia kula midoobeen, isagoo xusay in Somaliland ay sugeysay iney madal sidan oo kale ah hor dhigto dalabkeeda, ayna xaq u leeyihiin in dowladnimo loo aqoonsado.
Hadalka Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu mugdi gelinayo rajadii laga qabay natiijooyin wax ku ool ah oo ka soo baxaan ka shirka Jabuuti oo markii horeba aad u yareyd.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka Yamamoto ayaa sheegaya inay ka xumaadeen in Madaxweynaha Somaliland aanu diyaar u aheyn tanaasul iyo wadahadal.
Shirka ayaa maalintii ugu horeysay ku dhammaaday khudbadaha furitaanka ee madaxda lagu casuumay iyo wakiilada beesha caalamka, waxaana wixii beri ka dambeeya la guda galayaa ajendayaasha shirka oo illaa hadda aan la ogeyn mudada uu socon doono.
Horufadhi News
@Dalmaax Media