WARARKA SOOMAALI

MUUQAAL:-Dowladda oo gacanta ku dhintay Nin kufsi iyo Dil naxdin leh geystay

By Xuseen Post

January 27, 2021

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay fal isugu jiray kufsi iyo Di Gabar yar loogu geystay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in falkaas foosha xun uu shalay ka dhacay Kaam ku yaalla inta u dhexeeysa Xaawo Cabdi iyo deegaanka Calamada.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Doodishe in iskaashi dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo kuwa Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay Ninkii ka dambeeyay kusfiga iyo dilka, isla markaana haatan uu xiran yahay Xarunta Hay’adda CID-da.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Afhayeenka Booliska.