Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii halkaas ay ka dhaceen banaanbaxyo rabashado xoogan watay.
Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa marka lagu sheegay inay walaac ka qabaan xaaladda ka taagan Hiiraan kana la dhatay Doorashadii ka dhacay Jowhar ee uu kusoo baxay Cali Guudlaawe, iyadoona sheegay xasilooni darrada ka jirta Baladweyne ay abuurtay dowladda Federaalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayey sigaar ah ugu eedeeyeen inay ka dambeeyeen banaanbaxayadii ka dhacay Hiiraan, isla markaana waxaa ay ka digeen in la kala geeyo dadka degan Hirshabeelle.
Sidoo kale Musharixiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in halkii hogganka dalka uu abuuri lahaa naabdeyn Beelaha walaalaha ah ee Hirshabeelle uu ku howlan yahay kicinta iyo kala qeybinta Beelaha Gobolka, iyagoona DFS ugu baaqay inay joojiyo arrimahaas.
Midowga Musharaxiinta ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan xalinta khilaafkii ka dhashay Doorashadii ka dhacday Jowhar, si loo helo xasilooni iyo nabad, iyagoona ku baaqay in marka hore xaaladda ka taagan Baladweyne la dejiyo.
Hoos ka Akhrison Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.