Site icon HORUFADHI MEDIA |

Musharax War kasoo saaray Taliyaha Ilaaladiisa oo lagu qarxiyey Muqdisho

Murashax Daahir Maxamuud Geelle oo Afhayeen u ah Golaha ay Midowga Murashixiinta ayaa ka hadlay qarax loo dhigay ciidamo ka tirsan Milatariga oo si gaar ah uga gacan-siinayay sugidda amnigiisa. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen labo ka mid ah ciidamadii la socday gaarigii qaraxa uu haleelay.

Waxa uu tacsi u direy musharaxu qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen labadan askari oo lagu kala magacaabi jirey Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali maxamed.

Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar askari oo uu ku jiro sarkaal derejadiisu tahay Korneel oo lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif oo Darawalka Taliyaha ah, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo katirsan Ilaaladiisa.

Daahir Geelle oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Xiriirka Bulshada ayaa caafimaad u rajeeyay Cumar iyo saddexda kale ee la dhaawacan, waxaana uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid labada Askari ee ilaalada ah.

“Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah” Sidaasi waxaa yiri Murashax Daahir Maxamuud Geelle.

Qaraxa loo dhigay gaariga uu la socday Cumar Cabdiraxmaan ayaa ka dhacay meel u dhow xerada Afisiyooni ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana ilaa haatan jirin war kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka.

Exit mobile version