WARARKA SOOMAALI

Musharax Madaxweyne oo Baaq Deg-deg kasoo saaray Qaraxii ka dhacay Galmudug

By Xuseen Post

December 18, 2020

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug hadana ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Musharax Guuleed ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay garoonka Cabdulaahi Ciise ee Koonfurta Gaalkacyo ka dhashay khasaaro badan, waxa uuna tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxaasi isagoona caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay qaraxa.

”Waxaan si adag u cambaareynaya weerarka ismiidaaminta ah ee goordhow ka dhacay magaaladda Gaalkacyo. Xiriiro aan la sameeyay magaaladda waxaan ku xaqiijiyay in khasaaruhu badanyahay, Allaha u naxariisto walaallihii qiimaha badnaa ee ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo” ayuu yiri Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka reer Gaalkacyo, waxa uuna shacabka magaaladaasi kunool ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan.

”Waxaan ku baaqaya in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo ku sugan xaalad adag, sidoo kalana waa in dhexdoodu isu gurmadaan. Waxaan kaloo bulshada ugu baaqaya foojignaan dheeri ah maadaama dhagarta cadowgu ay badantahay xilliyadan oo kale.” ayuu yiri Musharax Guuleed oo Qoraal soo saaray.

Qaraxa galabdhicii ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa galaaftay nolosha saraakiil sarsare iyo Masuuliyiin kale, waxaa sidoo kale qaraxa khasaaro kasoo gaaray dad doonayay in Ra’isul Wasaare Rooble kusoo dhaweeyaan Gaalkacyo.