WARARKA SOOMAALI

Murashax Sinan Ogan Kimdir oo taageeray MW Erdogan & Guusha weyn…

By xuseen waashitoon

May 23, 2023

Saadaasha wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa u muuqata inuu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan mar kale ku guuleysan doono.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu taageero ka helay Murashaxa Sinan Ogan Kimdir oo Hoggaamiyaha ka ah Xisbiga guusha ee qeybta ka ah Isbahaysiga ATA Alliance.

Sinan Ogan  ayaa waxa uu kaalinta saddexaad ka galay wareegii Koowaad ee Doorashadii Madaxweyne  ee dalka Turkiga ka dhacday bishan 14-dii, iyadoo uu Murashaxa Sinan Ogan helay codad dhan 5.17%.

Murashax Sinan Ogan Kimdir oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara ayaa waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay codka siiyaan Erdogan, wuxuuna qeexay inay Go’aankaasi u qaateen iyagoo aaminsan inuu yahay Go’aanka saxda u ah dadka iyo dalka.

Murashaxa ku guuleysta Doorashada bishan May 28-da ka dhici doonta dalkaasi waxa uu noqon doonaa Madaxweynaha xilka hayn doona shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda inuu mar kale ku soo bixi doono hoggaaminta dalkaasi oo uu hayinka u hayey tan iyo sanadkii 2002-kii.