HORUFADHI MEDIA |

Deni oo Muqdisho kulamo aan kala joogsi lahayn ka wada-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Siyaasiyiin, Xildhibaano, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada intii uu ku sugnaa Xamar.

Kulamadan oo ahaa kuwo xidhiidh ahaa ayuu Madaxweyne Saciid Deni warbixino iyo tallooyin kaga dhageysanayay dadkii uu la kulmayay.

Xildhibaannada uu la kulmay Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabadirashid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa Golihii is bedel doonka Jubbaland, iyaga oo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur iyo marti sharaf kale.

Dhamaan Madaxda uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa kulamdooda waxaa ay ahaayeen is xog-wareysi xaalada dalka iyo Ariimaha la xidhiidha doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu imid Muqdisho Talaadadii todobaadkii hore waxaa uu waday kulamo kala duwan, isaga oo la kulmay Madax fara badan oo ka mid ah saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Horufadhi News

Exit mobile version