Muqdisho (HM)-Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxay kusoo qabteen ruux la sheegay inuu xirnaa dharka Dumarka.
Ka hor inta ruuxaasi aysan qaban ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska waxaa dadka deegaanka ay ka shakiyeen ruuxa la qabtay oo ku sugnaa agagaarka iskuulka Godey ee degmada Kaaraan, kadibna ciidamada ay ku wargeliyeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in ruuxa la qabtay ay ku sameeyeen baaritaan, iyaga oo ka raadiyay inuu hub watay, balse markii laga waayay lagu wareejiyay hay’adaha amaanka si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyaan.
Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada intaasi ka dib baaritaano dheeri ah ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan, ayna ku qabteen dhalinyaro la tuhmayo.
Howlgalkaan xalay laga sameeyey xaafada ka tirsan degmada Kaaraan laguna soo qabtay Nin soo xirtay dharka Dumarka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo