Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Mucaaradka oo Arrin lama filaan kala kulmay Madaxda Wadatashiga Qaran

Waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS & Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu gadaal uga soo biiray RW Rooble.

Kulanka oo ka dhacay Hoyga ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa looga hadlay diidmadii ay Midowga musharaxiinta kaga soo horjeesteen habraacii doorashada ee ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaranka, iyagoo ka hor yimid qodobada qaar oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxda.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday doodo kulul oo mararka meel qaraar la isla gaarayey, iyadoo ilo ku dhow kulanku sheegayaan in Rooble iyo xubnaha kale ee golaha wadatashiga ay isku dayayeen iney musharaxiinta ka dhaadhiciyaan Habraaca ay soo saareen, hase ahaatee laga diidayey.

Labada dhinac ayaa waxaa ay iska magacaabeen Guddi min saddex xubnood ah, si turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version