WARARKA SOOMAALI

Midowga Yurub oo War kasoo saaray Qaraxii lagu dilay Aamina Maxamed

By xuseen waashitoon

March 24, 2022

Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne, kaas oo lagu dilay Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi iyo dad kale oo badan ay ku jiraan mas’uuliyiin hore.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann ayaa si kulul u cambaareesay weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed, waxa ayna xustay in ay ka xunyihiin falalka argagaxiso iyo kuwa siyaasadeysan.

“Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, tacsi ku socota Ehelada Xildhibaan Aamina”ayay ku tiri Tina Intelmann qoraal ay soo dhigtay barta Twitterka.

Dilka loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa aad loo tuhmayaa in siyaasad salka ku heyso, waxa ayna Xildhibaanadan la dilay isku taagtay cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in ay ku baxday gacanta Hay’adda Nabadsugida.