WARARKA SOOMAALI

Midowga Yurub oo lacag badan ugu deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Somalia

By xuseen waashitoon

July 07, 2022

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inuu taageero dhaqaale oo dheeraad ah uu siinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo horey loo oran jiray AMISOM, balse loo bedelay ATMIS, sida ay ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo ammaanka Midowga Yurub.

Midowga ayaa taageerada dhaqaale ee uu siinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya gacan ka geysan doonta gunnooyinka Askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalka inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Lacag gaareysa 120 Milyan oo Yuuro ayey ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo ammaanka Midowga Yurub in lagu daro taageeeradii dhaqaale ay siin jireen Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaliya ee ATMIS.

Si kastaba ha’ahaatee, Midowga Yurub ayaa ugu deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo sanadkii 2007.