Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xlka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa inay kulan la qaatan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle
Kulanka oo ka dhici doona hotelka Decel ee dhex ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada ka dhacaya sanadkan 2021.
Sidoo kale kulanka Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ayaa looga hadli doonaa sida uu qorshahu yahay go’aankii Xukuumadda ku gaartay in la guda galo hirgelinta doorashada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay shaaciyay in Musharaxiinta iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland uu ka waayay Jawaab ku aadan waan-waantii uu waday ee uu ku doonayay in uu ku xaliyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ku dhawaaqay in wixii xiligaan ka dambeeya la guda geli doono hirgelinta doorashada dalka ka dhaceysa ee heshiiska laga gaaray.
Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu kala qeybsan yahay oo ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana weli cakiran xaaladda siyaasadeed ee dalka.