WARARKA SOOMAALI

Mid kamid Ergadii soo dooratay Mahad Salaad oo Maanta lagu dilay Muqdisho

By xuseen waashitoon

June 13, 2022

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa xaafada Baar Ubax ee magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan Muqdisho iyo Galgaduud.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu dilay meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa oo ay u joogsadeen dableyda hubeysan ee dalka  geysatay, xilli nabadoonka la sheegay in uu u socday goobtiisa shaqada.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dhawwaan loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ciidamo katirsan Booliska iyo Nabadsugida ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal, lamana oga in ciidamada ay dad usoo qabteen dilka nabadoonka loo geestay.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo ergooyin wax kasoo doortay xildhibaanada golaha shacabka, Al Shabaab ayaana horey u sheegtay in ay dili doonaan cid kasta oo kamid noqota ergooyinka dooranaya xildhibaanada.