WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Ilaalada Duqa Magaalada Muqdisho oo la dilay iyo xogta dilka

By xuseen waashitoon

May 28, 2022

Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Finish ayaa maanta lagu dilay agagaarka dekadda Weyn ee Muqdisho xilli uu halkaasi marayay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa ilaalada Cumar Finish ayaa waxaa rasaas ku furay oo afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan Ciidanka Booliiska.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray, lamana oga in ciidamada gacanta ku dhigeen askariga dilka geestay, waxaana meydka askariga la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka askarta katirsan Booliiska ay u geesanayaan dadka shacabka iyo ciidanka kale ee dowladda katirsan, mana jiro wax laamaha ammaanka ka qabtaan dilalkaan sii kordhaya.