WARARKA SOOMAALI

Mid ka mid ah Ergada wada-hadalka Ukraine iyo Ruushka oo la dilay

By xuseen waashitoon

March 06, 2022

Xubin ka tirsan wafdigii Ukraine uga qeyb galayo Shirkii nabadda ee isbuucii hore yeesheen wafuudda labada dhinac ayaa Maanta lagu dilay Caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Mas’uulka la dilay oo la oran jirey Denis Kireev, ayaa waxaa la sheegay inay dileen Hay’adda Ammaanka Ukraine (The Ukrainian Security Service) oo loo soo gaabiyo SBU.

Ergayga ayaa lagu dilay meel ku dhow Dhismaha Maxkamadda ee Magaalada Kyiv,  xilli la doonayey in la xiro si wax looga weydiiyey tuhun laga qabtay inuu Dowladda Ruushka gacan-saar la lahaa.

Shabakadaha Wararka ee Ukraina.ua iyo Obozrevatell ayaa labada qoray Warka ku aadan dilka Ergaygaasi.

Bishii hore, Telefishinka Channel 5 ee dalka Ukraine ayaa waxa uu baajiyey in Ergayga la dilay ay Hay’adda SBU baarayeen inuu Ergaygaasi xiriir la lahaa Hay’adda Sirdoonka Ruushka tan iyo sanadkii 2020-kii.