WARARKA SOOMAALI

Maxkamadeynta Askari Dil iyo dhaawac geystay oo ka bilaabatay Gobolka Gedo

By xuseen waashitoon

March 13, 2022

Maxkamada darajada kowaad ee   Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa u fadhiisatey dhagaysiga dacwad loo haysto eedeysane Marshaale Cabdule Xuseen oo Magaalada Baardheere ku diley marxuumad Ceeblo Qorane Daahir iyo dhaawac uu u geystey Siciid Ismaciil

Eedaysanaha oo ka tirsan Ciidamada qalabka sida kuwooda ka howlgala Magaalada Baardheere ayaa waxaa dhagaysiga maxkamada ka soo qeyb galey sarakiisha/ sarakiil xigeenada Ciidamada Dowlada Maamulka Degmada ehelada marxuumada dhimatey iyo midka dhaawaca ah

Sidoo kale Maxkmada ayaa la horkeeney rag ku eedaysan in ay ka mid yihiin ururka Alshabaab kuwaasi oo danbi kala duwan lagu soo qabtey

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo fulinaysa waajibaadkii loo aas aasay ayaa qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo waxay ka wadaa Maxkamadeyta Ciidamada danbiyada kala duwan gala sida askarigii dila askari kale isla markaana lagu helo dambigaasi in ay xukunto kuwa bulshada rayidka dil u geysta ama lagu helo danbiyo kale in la maxkamadeeyo, dadaalada intaasi oo dhan socanayo ayaa ah in la waayo ama ay yaradaan danbiyada fudud iyo kowooda culus oo ay galaan Ciidamada.