WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda sare oo bilowday dhageysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin

By xuseen waashitoon

April 19, 2022

Maanta ayaa Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ay billowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee hakiyay kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ahna taliyihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Goobta dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, waxaana goobta lagu dhageystay dacwad u dhaxeysay qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda ayaa Qareenka u doodayay Fahad Yaasiin oo lagu Magacaabo Sakariye Ismaaciil wuxuu sheegay in aysan jirin awood ka sareeysa Maxkamadda Sare, isaga oo Maxkamadda u gudbiyay codsi ku aadan la diido Go’aanka guddiga doorashooyinka ay ku hakiyeen Kursiga Hop#86.

Dhinaca kale Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa dhankiisa ku dooday in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya in uu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada isla markaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada la xiriira.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqey in fadhiga Maanta ee dhageysiga Dacwadda Fahad Yaasin xiran yahay, isla markaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhawaan.