Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa shaacisay Jadwalka dhageysiga Dacwadda badda ee u dhexeeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo haatan taalla Maxkamadda ICJ .
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu faah faahiyay Jadwalka dhageysiga Dacwadda Badda oo si rasmi ah u bilaaban doonta 15-ka bishaan Maarso, isla markaana socon doonta ilaa iyo 19-ka bisha.
1- Wareega Koowaad
Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya)
2- Wareega Labaad.
Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ku metelaya Dacwadda badda ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi guuleed Khadar ayaa gaaray Magaalada Hague ee dalka Holland.