WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Nin Mooto Bajaaj ku waday Hub

By xuseen waashitoon

April 03, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun adag ku riday Nin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista qoriga RBG iyo rasaastiisa, kaasi oo sideed iyo tobankii bishii December 2022 lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Farxaan Bashiir ku heshay dembi ah inuu Mooto Bajaaj ku waday, xilligii la qabanaayay 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee dagmada Yaaqshiid.

Maxamed Farxaan ayaa qoryaha geeyay meel u dhaw saldhiga degmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Ragga uu hubka ku wareejiyay Maxamed Farxaan ayaa intii ay isku diyaarinayeen in hubkaasi weerar ku gestaan waxaa ka fakaday hal baalooto oo ah RBG , waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah ragii weerarka qorsheeyay, halka midka kalana uu baxsaday.

Ninkan maanta Maxkamadda ciidamada xukunka ku riday ayaa Al-Shabaab ku biiray bishii lixaad ee sannadkii 2022, waxaana ninkan kooxda usoo tababartay adeegsiga Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxamed Farxaan maxkamadda ku xukuntay 15-sanno xabsi ciidan ah uuna heesto fursad uu racfaan ku qaadan karo.