WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo saaka xukun Dil ku fulisay Askari si bareer ah u dilay Darawal

By xuseen waashitoon

January 10, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo qof shacab ah ku dhax dilay saldhiga booliiska degmada Luuq.

Fagaare ku yaala degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaana saakay lagu toogtay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Sugow Gaarane Ciyow.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu si bareer ah ugu dilay Marxuum  Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Eheladda marxuumka uu dilay Askarigan saakay la toogtay ayaa ku sugnaa fagaaraha xukunka dilka ah uu ka dhacayay, waxa ayna soo dhaweeyeen in la qisaasay askarigii sida gardarada ahaa u dilay Sugow.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa dhawaan sidoo kale waxaa ay xukun dil toogasho ugu fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka NISA oo rag dhalinyaro ahaa ku dilay Garoon kubadda Cagta oo ku yaallo degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo..