WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ah ku fulisay xubno ka tirsanaa AS

By xuseen waashitoon

October 24, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Nin oo horey Maxkamadda Ciidamada xukun dil ah ugu riday.

Labada qof ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo ka tirsanaa Al-shabaab, laguna  helay dembiyo dil ah oo Muqdisho ay ka geysteen.

Goobta toogashada ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaasi oo goobjoog ka noqoday xukunka qisaasta ahaa ee lagu fuliyey Shucayb iyo Saadaq Cabdi.

Ilaa iyo 4 qof ayaa la toogtay mudada ku siman Shanta sano ee uu xafiiska joogo Madaxweyne Xasan Sheekh, horre waxaa loo toogtay laba askari oo mid dilay Wasiir Siraaji iyo mid kale oo uu dilay Taliyihiisa ciidan.