WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Askari dil geystay

By Xuseen Post

February 15, 2021

Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dable Geedow Maxamed Fiidow oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah qof shacab ah ugu dilay wadada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, xili Ninka la dilay halkaas uu socdaal ku marayay.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qeybta 60-aad ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil ah lagu rido Dable Geedo oo rasaasta uu furay Marxuumka uga dhacday isha midig, kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Maadey .

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad Gaashanle Sare Aadan  Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ee lagu diray Geedow Maxamed Fiidow oo ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed.

Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa sidaan oo kale xukuno dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka oo dilal horey u geystay.