WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay haween saarnaa Gaari Qaraxyo siday

By xuseen waashitoon

August 08, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxaa la horgeeyay afar haween ah oo ah xasaaska dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo 21-kii April ee sanadkan 2023-ka la qabtay, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Afarta haween ayaa Maxkamadda horteeda kahor qirtay inay yihiin xasaaska xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana gacanta lagu dhigay iyaga oo waday gaari ay saarnaayeen qalabka laga farsameeyo qaraxyada oo ka yimid Kunyo-barrow.

Gaariga oo nooca raaxada ah oo qalabka lagu waday ayaa xilligii la qabanayay kusoo dhacay bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu siday moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin.

Sidoo kale waxaa haweenka lala qabtay darawalkii gaariga ku waday iyo ninkii iska lahaa baabuurkaas Yuusuf Cali Nuune oo ku dooday in qalabkan uu usoo dhiibay nin dulaal ah oo joogay deegaanka Kunyo-barrow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Afarta haween ayaa waxaa lagu kala magacaabaa 1-Caasho Muxudiin Maxamuud, 2-Khadra Maxamed Ciise, 3-Naciimo Faarax Sheekh Doon, 4-Sahra Xuseen Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in Maxkamadda ay Go’aan kasoo gaareyso kiiskaan.