Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxay Puntland u aqoonsan tahay MW Farmajo wixii Caawa ka dambeeya?

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay sababtii keentay in uu fashilmo Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa maskaxdii ka dambeysay in uu fashilmo shirkaasi ka dib markii uu diiday in uu ka tanaasulo gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ay dadaal badan ku bixiyeen laakiin ugu dambeyntii ay ku fashilmeen markii uu ku dhegay gobolka Gedo.

Waxaa uu tilmaamay in caawa wixii ka dambeeya Puntland ay u aqoonsan tahay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , maadaama uu dhamaaday waqtigii la doortay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu yiri “Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay ‘Madaxweynihii hore”.

Exit mobile version