WARARKA SOOMAALI

Maxay MW Xasan Sheekh & Afawerki uga hadlayaan kulan dhexmaraya

By xuseen waashitoon

November 11, 2022

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa Maanta  oo jicmo ah waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas Isaias Afawerki.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxtooyada ayaa ujeedka Madaxweynaha ku sheegtay inuu yahay mid muhiimad siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel  oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho 4 maalmood ah ku joogi doono magaalada Asmara.

Dalka Ereteriya ayaa waxaa ku sugan kumanaan Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu tababaray dalka Ereteriya , waana safarkii labaad uu Madaxweynaha ku aaday dalkaas oo markii la doortay uu booqasho ku tagay.