Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal.
Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xiriirka la leh dowladda Federaalka Soomaaliya.