WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Ingiriiska?

By Xuseen Post

April 18, 2021

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi  Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda  UK ee Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud  dalka Sida dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada.

Dawladda Ingiriiska ayaa ka mida Dawaladdaha Somalia ka taageera dhinacyadda dhaqaalaha iyo horumarinta sidoo kale na Kaalin muhiima kaga jirta Dawladdaha sida joogtadda ah ula garab taagan kaalmooyinka kala duwan Dawladda Somalia.