WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Safiirka Shiinaha oo Maanta kulmay ?

By xuseen waashitoon

March 15, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Fei Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu sii horumarin karo xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhaxeeya oo muhiimad gaar ah leh ayaa ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud soo dhaweyntiisa xarunta madaxtooyada Qaranka.