WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliska AMISOM?

By xuseen waashitoon

October 26, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku tagay Jubaland.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugidda amniga doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgallada nabadgalyada lagu sugayo.

Jubbaland ayaa hadda isu diyaarineysa qabashada doorashada Aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya, markii ay dhowaan soo dhammaystirtay xubnihii ka harsanaa Aqalka sare ee maamulkaasi ku matalayay baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.

Ammaanka Magaalooyinka Kismaaya iyo Garbahaarey oo lagu qabanayo doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana xusid mudan in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyay Magaalada Garbahaarey.